Weerarrada iyo duqeymaha ay geysanayaan gumaystaha Yahuudda ayaa xalay oo dhan ka socday deegaanno kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza, iyadoo Marinka uu weli la kulmayo dhibaatada ka dhalatay go’doominta ay ku soo rogeen ciidamada Yahuudda.
Dhanka koonfurta marinka Qaza Labo qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday duqeymo ay ciidamada gumeystaha Yahuudda la beegsadeen teendho ku taalla xaafadda Al-Qarara ee magaalada Khan Yuunis.
Halka, ruux shacab ahna uu ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu la beegsadtay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla Waqooyiga xerada An-Nuseirat ee bartamaha Marinka Qaza.
Sidoo kale waxaa korartay tirada dadkii ku shahiiday xasuuqii ay shalay Yahuudda ka geystay Xaafadda Shujaiya ee Bariga magaalada Qazza, waxaana lasoo warinayaa, in majsaradaasi ay ku shahiideen ugu yaraan 35 qof, halka inka badan 55 kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay jiraan dad gaaraya 80 ruux oo la la’yahay, kuwaas oo ku hoos jira burbur dhismayaasha ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda.
Geesta kale, Wasiirka Difaaca Yahuudda Yisrael Katz ayaa ku dhawaaqay, in ciidamadoodu ay qabsanayaan dhul balaaran oo katirsan Marinka Qaza, ayna ku dari doonaan aagagga difaaca ah ee laga daadgureynayo dadkii degganaa, si ay ugu qasbaan muqaawamada Falastiin in ay sii daayaan maxaabiista Yahuudda ee ay gacanta ku haayaan sida uu hadalkiisa udhigay.
Wargeyska Cibraaniga ah ee Haaretz ayaa shaaciyay, in ciidanka Yahuudda ay isu diyaarinayaan in ay ku daraan aagga Rafah, oo ka kooban shan meelood meel kamid ah masaaxada Marinka Qazza aag difaac, kaas oo masaaxadiisa ay gaarayso 75-KM oo laba jibaaran kuna yaalla inta u dhaxaysa dhidibka Salax Al-Diin iyo Morag. Falastiiniyiinta ayaana laga mamnuuci doonaa inay galaan aaggaas, taas oo ka dhigan gabi ahaanba inay burburin doonaa magaalada.
Tan iyo markii ay Yahuudda dib u bilaabeen xasuuqa ka dhanka ah Marinka Qazza 18-kii Maarso, waxaa ku shahiiday 1,449 Falastiiniyiin AH, halka ay ku dhaawacmeen 3,647 kale, oo u badnaa caruur iyo haween, sida ay sheegtay Talaadadii wasaarada caafimaadka Marinka Qazza.