Tuesday, April 15, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Duqeyn ku Burburisay Isbitaal ku Yaalla Marinka Qazza.

Yahuudda oo Duqeyn ku Burburisay Isbitaal ku Yaalla Marinka Qazza.

Ilo wareedyo ku sugan Marinka Qaza ayaa kusoo waramaya, in isbitaalka Al-macmadaani ee magaalada Qaza uu shaqadii ka fariistay, kadib markii ay Yahuuddu duqeyn wuxuushnimo ku garaacday qaybaha muhiimka ah ee isbitaalka, iyada oo bukaannada iyo dhaawacyadu ay yaallaan wadooyinka ku hareeraysan isbitaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in Yahuuddu ay labo gantaal la beegsatay dhismaha qaybaha istiqbaalka iyo gurmadka degdegga ah ee Isbitaalka Al-macmadaani, kuwaas oo burburiyay dhismayaashii bartilmaameedka ahaa, dhanka kalana ku qasabtay tobanaan qof oo dhaawac ah iyo kuwo xanuunsan oo an socon karin inay seexdaan waddooyinka ku xeeran isbitaalka.

Wariye ku sugan Marinka Qaza  ayaa sheegay, in burbur xooggan uu soo gaaray qeybaha istiqbaalka, shaybaarka iyo farmashiyaha ee isbitaalka, kuwaas oo laf dhabar u ahaa shaqada ka socotay isbitaalkaas.

Dhankiisa Xafiiska Warfaafinta ee maamulka Marinka Qaza ayaa sheegay, in Yahuudda ay si bareer ah u burburiyeen 34 Isbitaal intii uu socday xasuuqa ka dhanka Marinka Qaza, iyaga oo gabi ahaan ka saaray hawlihii caafimaad ee ay bulshadu u haayeen, taas oo qayb ka ah qorshe nidaamsan oo ay gaareen maamulka Yahuudda iyo dowladaha reer galbeedka ee tageerada iyo taakulaynta la garabtaagan maamulkaas.

Waxaa xusid mudan, in isbitaalka Al-macmadaani uu ka mid yahay xarumaha caafimaadka ee fara ku tiriska ah ee wali ka howlgala marinka Qaza, kaas oo loogu adeegayay dadka kusoo dhaawacma duqeymaha iyo madaafiicda aan loo meeldayaynin ee ay Yahuuddu ku garaacayso Marinka go’doonsan ee Qaza, balse Yahuudda oonan waxba hanbaynaynin ayaa isna maanta ka saartay shaqadii uu bulshada u haayay.

Duqeyta isbitaalkan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo ay weli socdaan duqeymaha ay diyaaradaha Yahuudda ka geysanayaan deegaanno kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza, iyagoo saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka fuliyay magaalada Gaza, xaafadda Shujaaciya ee bariga magaaladas iyo Khan Yuunis.

Waxaana lasoo warinayaa in duqeynta danba lagu dilay agaasimihii saldhiga booliiska ee galbeed Khan Yuunis, kadib weerar cirka ah oo ciidamada Yahuudda la beegsadeen gurigiisa oo ku yaalla xerada galbeed ee magaaladaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.