Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo in ka Badan 60 Ruux ku Dishay Marinka Qazza.

Yahuudda oo in ka Badan 60 Ruux ku Dishay Marinka Qazza.

Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado xasuuqyada iyo majaasirta uu ka geysanayao Marinka Qazza , iyadoo lasoo warinayo, in celcelis ahaan dadka xayndaabka Qazza  ku shahiiday tan waabirigii Jimcaha ay gaarayaan Lixdan iyo afar ruux, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo hay’adaha samafalayaasha sheegto, ay ka digayaan, in duqeymaha ka sokow ay boqolaal kun oo qof oo reer Qazza   ah ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul darted, maadaama uu maamulka Yahuudda xaydaabka kusoo rogay go’doomin dhanwalba ah.

Sida ay tibaaxeen wariyaal ku sugan marinka go’doonsan ee Qazza, waabarigii hore ee saaka, shan ruux oo shacab ah ayaa  ku shahiiday weerar ay diyaarad helicopter ah oo ay leedahay Yahuudda ku qaaday, teendho ay degenaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza .

Isla koonfurta marinka Qazza, hal qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, halka 15 kale oo caruur u badana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda habeebkii xalay la beegsadeen guri ku yaalla xero galbeedka kagaga beegan magalaada Khaan Yuunis.

Dhinaca magaalada Qazza duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda horaantii shalay la beegsadeen guri iyo teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku wada yaalla xaafadda Az-Zaytuun ee koonfur-bari ee magaaladaas ayaa waxaa ku shahiiday 12 qof oo ay ku jireen caruur.

Isla xaafadda Az-Zaytuun, duqeyn kale oo ay diyaaraha Yahuudda la eegteen teendho ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah ayaa waxaa ku shahiiday Shan qof oo shacab ah, sida ay kusoo warameen ilo wareedyo ku sugan halkaas.

Gumaystaha diir naxa aan lahayn ee lagu beeray dhulka Muslimiinta ee Falastiin ayaa u muuqda mid kusii karaar qaadanaya xasuuqyada wuxuushnimada ah ee uu ka geysanaya marinka Qazza, isagoo shalay ku dhawaaqay, inuu beegsaday 40 goobood oo ka tirsan xayndaabka go’doonsan ee Qazza, taas oo ku tusinaysa heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhalan kara duqeymahaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.