Yahuudda ayaa fidnimadii xalay duqeymo xooggan oo ay u adeegsatay tiro diyaarada aan duuliya lahayn ku garaacday dekedda magaalada Xudeydah ee galbeedka Yaman, taas oo ay uga jawaabayaan weerar ay Axaddii Xuuthiyiinta ku qaadeen garoon muhiim u ah Yahuudda oo ku yaalla magaalada Talla’biib ee gumaysiga ku jirta, sida uu sheegay, afhayeenka ciidamada Yahuudda ninka lagau magacaabo Afiikhaayi Adraci.
Dhankiisa, TV-ga Al-Masiirah ee taabacsan xoogagga Xuuthiyiinta ayaa sheegay, in Maraykanka iyo Yahuudda ay lix weerar oo xagga cirka ah la beegsadeen dekedda Xudeydah, halka sawirro laga soo qaaday goobta ay duqeymahaasi beegsadeen lagu arkayay, holac iyo qiiq isku shareeray hawad sare, kaas oo samada xeebta oo dhan ka dhigay mid casaan ah sababo la xiriira qaraxyo ka dhashay duqeymaha xooggan ee ay Yahuuddu ku garaacday dekedaasi.
Sida ay wararku sheegayaan, in ka badan 30 diyaaradood oo ay Yahuuddu leedahay ayaa ka qayb qaatay weerarradan, kuwaas oo la sheegay inay beegsadeen, xarumaha muhiimka ah ee dekeda sida wershadaha shidaalka iyo xarumaha korontada.
Sarkaal Yahuudi ah ayaa warbaahinta u sheegay, in ku dhawaad 48 illaa 50 bam ay ku tureen dekedda Xudeydah, isagoona sheegtay, inay gebi ahaanba burburiyeen dekedaasi, halka taas cagsigeeda, ay warbaahinta Yahuudda sheegtay, in dekedda lagu bartilmaameedsaday weerarro aad u xooggan balse aan si buuxda loo burburinin.
Dhankiisa, sarkaal Ameerikaan ah oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay, in duqeymaha Yahuudda ee Yaman ay iska kaa shadeen Yahuudda iyo Washitoon, sida uu sheegay mawqica Ameerikaanka ah ee lagu magacaabo Aksiyuus.
Duqeymahan ayaa yimid kadib markii nidaamyada difaaca cirka ee Yahuudda iyo Mareykanka ay ku guuldareysteen inay ka hortagaan gantaal laga soo tuuray Yaman, kuna dhacay garoonka diyaaraha ee Bin Gooriyaan ee magaalada Talla’biib, kaasoo ay ku dhaawacmeen 7 qof, isla markaana sababay inay istaagaan duulimaadyadii garoonkaas.
Kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalanta Yaman ayaa Axaddii ina dhaaftay ku hanjabtay inay xisaar guud ku soo rogi doonaan Yahuudda, iyagoo si isdaba joog ah u beegsanaya garoomada ay ka haadaan diyaaradahooda, taas oo qalqal ku abuurtay Mareykanka iyo dowlaha reer galbeegka ee kayyaanka Yahuudda ku haya dhulka Falastiin.