Sunday, June 1, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo ku Dhawaad 50 Rayid ah ku Dishay Duqeymo ay ka...

Yahuudda oo ku Dhawaad 50 Rayid ah ku Dishay Duqeymo ay ka Fulisay Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa majzaro cusub ka geystay iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Qazza, waxaana halkaasi shuhado iyo dhaawac ku noqday dad rayid ah, oo u badnaa haween iyo caruur. Sida ay warbaahinta u sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawgalo marinka Qazza.

Diyaaradaha dagaalka ee cadawga Yahuudda ayaa subaxnimadoo hore ee maanta oo Isniin ah duqeeyay, iskuulka Fahmi Al-Jarjaawiy ee ku yaalla xaafadda Addaraj ee magaalada Qazza, kaas oo ay ku noolaayeen dad maras ah oo u badnaa haween iyo carruur.

Waxaana xasuuqan wuxuushnimada ah ku shahiiday 30 qof oo shacab ah, sida ay soo tabiyeen wariyaal ka hawlgalo marinka go’doonsan ee Qazza. Iyadoo Meydadka tiro ka mid ah shuhadada la gaarsiiyey isbitaalada Al-Macamdaani iyo Al-Shifa, halka dadka dhaawacyadana sidoo kale loo gudbiyay isbitaalladaas iyadoo ay jirto daruuf adag oo daawo yari ah.

Baraha bulshada ee Falastiiniyiinta ayaa maanta si weyn looga hadal hayay muuqaalka gabar yar oo ka badbaaday xasuuqan ay Yahuudda ka geystay iskuulka barakacayaasha ee Fahmi Al-Jarjaawiy ee magaalada Qazza.

Waxaana muuqaalkan dhaxdinta badan kasoo muuqanaya, kooxaha gurmad degdegga ah oo sida gabar yar, taas oo hooyadeed iyo walaalaheed ay ku shahiideen xasuuqaas, halka aabaheed oo ku dhaawacmay duqeynmahaasna loo qaaday xarumaha caafimaadka. Cod

Dad goob-joogayaal ah ayaa kusoo waramay, in maydadka 19 qof oo rayid lasoo saaray, kadib duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen guri ku yaalla deegaanka Jabaliyal-Balad ee waqooyiga marinka Qazza.

Bartamaha marinka Qazza, ilo wareedyo ayaa soo sheegay, shahiidka hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale, kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuudda ay duqeysay xarun ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla mukhayyamka Maghaazi ee bartamaha marinka Qazza.

Isku soo wada duuboo, ilo dhanka caafimaadka ah ayaa warbaahinta Al-Jaziira u sheegay, in 50 qof oo rayid ah ay ku shaheedeen duqeymaha uu gumaystaha Yahuudda ka fuliyay Marinka Qazza tan iyo waaberigii maanta oo Isniin ah, 30 ka mid ah dadkaas ayaana ku shahiiday iskuul ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.