Gumaystaha Yahuudda ayaa Xasuuqyo cusub oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad badan oo rayid ah ka geysatay koonfurta, waqooyiga iyo bartamaha marinka go’doonsan ee Qazza.
Waxaana lagu soo waramayaa, in wax yar ka hor waaberigii maanta oo Arbaco ahayda oo kaliya ay marinka Qazza ku shahideen dad gaaraya 16 qof, kuwaas oo ku baxay duqeymaha laayaanka ah ee uu fulinayo kayyaanka Yahuudda.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay, in saddex qof oo rayid ah oo uu ku jiray ilmo yar ay ku shahiideen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ku qaadeen teendho ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza.
Sidoo kale, 8 qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu gumaystaha la eegtay guri ku yaalla magaalada Banii Suhayla ee bariga magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Goor sii horreysay oo xalay ahayd, ilo wareedyo ayaa sheegay, in 29 qof oo shacab ah ay ku shahiideen, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, kadib majzaro uu gumaystaha ka geystay iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yalla mukhayyamka Al-Bureeyj, ee bartamaha marinka Qazza. Halka xogaha aan helayna ay intaasi ku darayaan, in duqeymahaas ay sidoo kale, burburiyeen masjid ku yaallay mukhayyamkaas.
Dhanka Waqooyiga Marinka Qazza, waxaa lasoo sheegaya, dhaawaca labo qof oo rayid ah, kadib duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuudda ku qaadeen guri ku yaalla deegaanka Talla-Zacfar.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa warbaahinta Al-Jaziira u sheegay, in 62 qof oo shacab ah ay ku shahiideen duqeymo dhanka cirka ah oo ay Yahuuddu ka fulisay meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay oo Talaado ahayd.
Gumaystaha Yahuudda ayaa sii laba jibaaray gabood fallada uu ka gaysanayo marinka Qazza, isagoona balaariyay baaxadda hawlgaladiisa iyo go’doonta ka dhanka ah marinka, iyadoo laga cabsi qabo in dadka reer Qazza ay gaajo darteed si jimaacaha ugu geeriyoodaan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.