Tuesday, July 8, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Mar Kale Isku Diyaarinaysa Weerar Culus oo ay Ku Qaado...

Yahuudda oo Mar Kale Isku Diyaarinaysa Weerar Culus oo ay Ku Qaado Iiraan.

Wakaaladda wararka ee Aksiyoos ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in Yahuuddu ay si dhab ah isugu diyaarinayso, si ay u fuliso hawlgallo milatari oo cusub oo ka dhan ah xukuumada Shiicada ah ee  Iiraan, haddii ay muuqato calaamado muujinaya in Tehraan ay mar kale isku daydo sii kor dhinta barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka.

Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Dhiigya cabka Binyamiin Natanyaahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa kulan ku yeeshay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, iyaga oo si gaar ah uga wada hadlay arrimo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan, gaar ahaan suurtagalnimada weerarro milatari oo cusub oo ay Yahuuddu qaado, iyo xaaladaha sharciyeyn kara faragelintaasi.

Roon Darmer, oo ah lataliyaha gaarka ah ee Natanyaahu, ayaa kulamo gaar ah kula yeeshay Waashitoon saraakiil sar sare oo Ameerikaan ah, kaas oo sheegay inuu Doonal Taraam ka helay taageero buuxda oo ku aadan weerarro kale oo lagu qaado Iiraan, haddii ay dhacdo in Tahraan ay dib u bilowdo hawlaheeda kaydinta ama kor u qaadidda tayada Yuraniyomka la sifeeyay, gaar ahaan xarumaha Fordow, Natanza iyo Isfahaan.

Inkasta oo Taraam uu dhowr jeer muujiyay rabitaankiisa ku aadan wadahadallo nabadeed oo lala galo Iiraan, si looga fogaado dagaal kale, hadana wuxuu si cad u sheegay in Waashitoon aysan aqbali doonin, in ay Iiraan sii waddo sifeynta Yuraniyomka, taas oo qeyb muhiima ka ah dhisidda hubka Nukliyeerka.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa walaaca sii kordhaya ee ay qabaan sirdoonka Mareykanka iyo Yahuudda, iyaga oo si dhow ula socda dhaq-dhaqaaqyada gudaha xarumaha Nukliyeerka Iiraan, si loo ogaado haddii ay jiraan dadaallo qarsoodi ah oo lagu qarinayo ama dib loogu bilaabayo howlaha sifeynta.

Hawgaladan cusub ee ay Yahuuddu rabaan inay qaadaan ayaa kusoo beegmaya xili, Iiraan ay qiratay in xarumo muhiim ah oo ka tirsan barnaamijkeeda Nukliyeerka ay si daran u burbureen, inkasta oo ay sheegeen inaysan wali helin fursad ay si rasmi ah ugu qiimeyaan heerka uu gaarsiisan yahay burburka gaaray xarumaha Nukliyeerka. Xaalada gobalka ayaana wali aad u kacsan iyada oo maamulada Yahuudda iyo Mareykanku ay isku dubaridayaan istaraatiijiyad cusub oo lagaga hortago, in Iiraan ay markale ku tallaabsato horumar xagga hubka Nukliyeerka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.