Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo Saacadihii Lasoo Dhaafay ku Dhawaad 40 Ruux ku Dishay Marinka...

Yahuudda oo Saacadihii Lasoo Dhaafay ku Dhawaad 40 Ruux ku Dishay Marinka Qazza.

Dad rayid ah ayaa shuhado iyo dhaawac ku noqday duqeymo cirka ah iyo madaafiic ay Yahuuddu ku qaaday deegaanno kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza, Iyadoo Maalintii 85-aad laga jooga tan iyo markii uu Kayyaanka Yahuuddu jabiyay heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee uu la galay muqaawamada Falastiin isla markaana uu dib u billaabay dagaalka xasuuqa ah ee ka dhanka ah shacabka ku nool xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan isbitaalka Naasir ayaa sheegay, in Toban iyo Afar oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymo cirka ah oo ay Yahuuddu ka geysatay meel u dhow xarun la sheegay in lagu qaybiyo gargaar oo ay maamusho shirkad Ameerikaan ah, taas oo ku taalla galbeedka magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qazza, xaruntaas oo uu xafiiska maamulka marinka Qazza ku tilmaamay, qalab ay gumaystaha u adeegsanayaan ciribtirka reer Qazza.

Sidoo kale, hawlwadeennada isbitaalka Al-cawda ee mukhayyamka Nuseyraat ayaa sheegay, in in ka badan Soddon qof ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ay bambaanooyin iyo rasaas ku qaadeen goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen oo ku dhow xaruntaas gargaar lagu qaybiyo ee ku taalla galbeedka magaalada Rafax.

Xafiiska Warbaahinta ee maamulka marinka Qazza ayaa sheegay, in xaruntaas huwan magaca gargaarka laba toddobaad oo keliya oo ay shaqadeeda socotay ku shahiideen, in ka badan 130 qof oo rayid ah, kuwaas oo ku baxay rasaasta toos ah ee gumaystaha Yahuudda xilli ay isku dayayeen inay helaan wax ay jidiinka mariyaan oo raashin ah, halka dhaawacana uu gaaray ku dhawaad ​​Kun kale oo rayid ah.

Todobo qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday weerar ay diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ku qaadeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo dhanka caafimaadka ah.

Sidoo kale, saddex qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee ka hawgalo marinka Qazza iyo nin suxufi ah ayaa ku geeriyooday weerar madaafiic ah oo ciidamada Yahuuddu la beegsadeen guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Attuffah ee bariga magaalada Qazza, xilli ay dad dhaawac ah ka daad gureynayeen xaafaddaas, waxaana sawirradooda saacadihii lasoo dhaafay aad la iskula dhexmarayay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

13 qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur iyo haween ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay ciidamada Yahuuddu galabnimadii shalay oo Isniin ahayd ka geysteen deegaano dhowr ah oo ka tirsan magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiinyiinta ee WAFA.

Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo dadka ku shahiiday duqeymaha uu kayyaanka Yahuuddu ka waday marinka Qazza tan iyo waabarigii Isniinta shalay ay gaarayaan inka badan 60 qof oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan xarumaha caafimaadka ee marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.