War cusub oo kasoo baxay warbaahinta Talyaniga ayaa shaaca ka qaaday, tallaabo cusub oo ay Yahuuddu ku taageerayso dawladda Yukrayn. Sida lagu sheegay taqriir uu daabacay wargayska Senari Ekonoomikis, Yahuudda ayaana si rasmi ah ugu wareejisay dowladda Yukrayn dhowr nidaam oo difaaca cirka ah oo ah nooca casriga ah ee Batriyoot-ka.
Taqriirkan ayaa iftiimiyay in tallaabadan ay Yahuuddu qaaday ay noqon karto isbeddel weyn oo ku yimaada siyaasaddeeda, taas oo horay u sheegan jirtay inay dhexdhexaad ka tahay dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, waxayna hadda si cad ugu biirtay dhinaca reer galbeedka ee taageeraya Kiyeef. Qoraaga taqriirkan, oo lagu magacaabo Faabiyoo Luuqaanu, ayaa tilmaamay in arrintan ay kor u qaadayso xiisadda u dhaxeysa maamulka Yahuudda iyo Moscow, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo saameynta ay ku yeelan karto xiriirka ka dhexeeya labada maamul.
Safiirka Yahuudda u fadhiya dalka Yukrayn, ayaa si cad u xaqiijiyay arrintan, isaga oo sheegay in nidaamyada la bixiyay aysan ahayn hal nooc oo kaliya, balse ay yihiin dhowr cutub oo laga saaray nidaamyada difaaca ee maamulka Yahuudda bishii Abriil ee sanadkii hore. Tan ayaana noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Yahuuddu si rasmi ah u qirto taageero milatari oo noocan ah oo ay siiso Yukrayn.
Nidaamyadan difaaca oo ay qayb ka yihiin qiyaastii 90 gantaal oo ah nooca PAC-2 ee casriga ah, ayaa laga daad gureeyay garoomada diyaaradaha ee maamulka Yahuudda, kuwaas oo lasii marsiiyay dalal dhaca qaarada Yururb.
Nidaamka Batriyoot oo Yahuudda dhexdeeda looga yaqaano Yahluum ayaa ah mid duuga, kaas oo ay Yahuuddu u adeegsatay dagaalkii khaliijka ee 1991-dii, waxayna tan iyo markaas ahaayeen kuwo aan la isticmaalin, Yahuudduna aysan isku halayn buuxda ku qabin difaacooda.
Falanqeeyayaasha u dhuundaloola arrimaha siyaasada ayaa tallaabadan ay Yahuuddu qaaday ku tilmaamay inay tahay mid si buuxda u cadaynaysa in ay Yahuuddu u janjeeraan dhanka xulafada reer galbeedka, xilli uu sii kordhayo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Moscow iyo Tehraan, iyada oo ay Yahuuddu mudooyinkan ku hanjabaysay in ay weerar ku qaadi doonto xarumaha Nukliyeerka Iiraan.