Kadib markii Donald Trump uu ku guuleystay tartanka madaxtnimada dalka Maraykanka, waxaa walaac lasoo gudboonaaday dowladaha qaaradda Yurub, maadaama Trump uu yahay siyaasad ahaan qof aan la isku halleyn karin, oo qaadanaya go’aanno iskiis ah.
Dowladaha Yurub ayaa hadda go’aansaday iney kordhiyaan miisaaniyadda ciidanka iyo amniga, maadaama aan lagu tashan karin Donald Trump, marar badanna uu sheegay inuu ka baxayo ururka Nato.