Madaxweyne ku xigeenka maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa qirtay in Askar badan looga dilay dagaallada ka socda duleedka magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Yuusuf Dabageed oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka la baxay Hirshabeelle, ayaa sheegay in sheegay in askar badan looga dilay dagaallada ka socda gobolka Hiiraan, isagoo tilmaamay in dagaalka ay ku kaliyoobeen gurmadna waayeen.
Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay aas qaran oo loo sameeyay C/Raxmaan Xujaale oo ahaa Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Dowladda Fedaraalka, kaasoo lagu dilay dagaallada ka socda Hiiraan.
Wuxuu sheegay in tirada askarta uga dhimatay dagaallada maalmihii lasoo dhaafay ay tahay mid badan.