Thursday, June 5, 2025
HomeAll NewsYuutuuber Afghaani ah oo Booqday Qaldcaddii uu Sh Usaama Bin Ladin ka...

Yuutuuber Afghaani ah oo Booqday Qaldcaddii uu Sh Usaama Bin Ladin ka Daganaa Buuraha Tooraboora.[WARBIXIN]

Markii ugu horreysay Yuutuuber u dhashay dalka Afghaanistaan ayaa waxa uu warbixin muuqaal ah kasoo diyaariyay, qalcaddii uu Sheekh Usaama Bin Ladin oo ahaa Amiirkii Mujaahidiinta Al-Qaacida uu ka daganaa buuraha Tooraboora ee dalka Afghaanistaan.

Yuutuubarkan muuqaalka kasoo duubay qalcadii uu Sheekh Usaama ka daganaa buuraha Tooraboora ayaa soo bandhigay goobo taariikhi ah, kuwaas oo ay wali ka muuqdaan raadadka duqaymihii xoogganaa ee ay dayaaradaha Maraykanku ku garaacayeen buurtaha Tooraboora, goobahan waxaa sidoo kale lagu arkikaraa godad waawayn oo si hoose u qodan, kuwaas oo mujaahidiinta u ahaa gabaad ay ka galaan duqaymaha.

Yuutuuberkan Afghaaniga ah ayaa intii uu dhex socday buurahan silsiladda ah ee taxan waxaa kasoo hor baxaya dhegax aad u wayn, kaas oo ay ka muuqdaan raadadka rasaasta iyo sawaariq lala dhacay, kuwaas oo baduugay qaybo kamida dhagaxa.

Halkaan ka Degso Warbixinta Qalcadii Sheekh Usaama

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.