Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsZelensky: Haddii aanan Helin Taageerada Maraykanka Waa Nalaga Adkaanayaa.

Zelensky: Haddii aanan Helin Taageerada Maraykanka Waa Nalaga Adkaanayaa.

Volodymyr Zelenskyy ayaa xilli uu hadlayay maalintii shalay oo Talaado ah ahayd ka digay, in xukuumaddiisa ay ka adkaato dowladda Ruushka,  haddii ay weyso kaalamha miillateri ee ay ka heleyso dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha Ukranine ayaa xilli uu shalay wareysi siinayay shabakadda Fox News ee laga leeyahay Mareykanka wuxuu yiri: ‘’Haddii ay Mareykanku naga jaraan kaamaha waa nala jabindoonaa, waxaana aamisan yahay inaan jabeyno’’.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Ukraine iyo xulafadeeda Reer Galbeedku ka cabsi qabaan, in haddii Trump uu xilka la wareego uu ka jaridoono kaalmaha millateri ee ay ka hesho Mareynkanka.

Waxaa la xusuustaa bilowgii dagaalka Ukraine, in madaxweynaha Ukraine oo quus ka taagan dagaalka ay usoo gurmadeen dowladaha Reer Galbeedka oo ay tan Mareykanku ugu horreyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.