Xiriirka u dhaxeeya Suudan iyo Koonfurta Suudan ayaa gaaray heerkii ugu xumaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal, kadib markii Juba ay dalbatay, in baaritaan caalami ah lagu sameeyo falal ay sheegtay in lagula kacay muwaadiniinteeda ku nool gobalka Al-Jaziira intii lagu guda jiray hawlgallada ay ciidamada Suudan dib kula wareegayeen magaalooyin ay gobalkaas ka haysteen ciidamada Taageerada degdega ah bartamihii bishii hore.
Calaamadaha xiisaddan ayaa billowday markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudan ay u yeertay safiirka Suudan u fadhiya Juba, Essam Karar, 15-kii Janaayo ee lasoo dhaafay, iyadoo u gudbisay cabashadeeda ku aaddan xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Wad Madani oo ay ciidamada Suudan dib ula wareegeen.
Iyadoo ay sii kordhayaan hadal heynta ku saabsan in muwaadiniinta Koonfurta Suudan ay tacadiyo kala kulmaan ciidamada Suudan iyo taageeradooda, iyagoo ku marmarsiyoonayo wadashaqeynta iyo taageerada ay siinayaan ciidamada taageerada degdega ah, ayaa guddoomiyaha golaha sare Abdel Fattah Al-Burhaan, waxa uu go’aansaday inuu sameeyo guddi baaritaan ku sameeya dhacdooyinkan.
Laakinse maalmo kadib go’aanka Burhaan, wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfurta Suudan Ramadan Abdullah ayaa ka soo muuqday shir ka dhacay magaalada New York isagoo sheegay, in ciidamada Suudan iyo ciidamada huwantida ah ay dileen muwaadiniintooda, isagoo ugu baaqay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay gacan ka geystaan baaritaanka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudan ayaa ku tilmaantay hadalladaas mid aan cudur daar ahayn, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in dowladda Suudan ay dulqaad u muujiso xadgudubyada Juba, iyadoo ay dagaalku ka qayb qaadanayaan calooshood u shaqeystayaasha ka socda koonfurta Suudan , kuwaas oo ka barbar dagaalamaya Ciidamada Taageerada Degdegga ah.