Maleeshiyaadka TPLF ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee gacan ka hadal ah, taas oo ka dhan ah maamulka ay Xabashidu ka hirgalisay gobalka Tigree.
Maleeshiyaadka TPLF qeybtooda ka amar qaata Debretsion Gebremichael ayaa weerar ku qaday, magaalooyin ku yaalla koonfur-bari ee gobalka Tigree.
Iyagoo ku socda amar kasoo baxay magaalada Maqalla, ayaa waxa ay maleeshiyaadka weerar ku ekeeyeen xafiis kamid ah xafiisyada maamulka ku meel gaarka ah ee gobalka Tigree.
Degmada Sehaartii ee koonfur-bari gobalka Tigree ayuu ku yaalla xafiiska ay xoogga ku galeen maleeshiyaadka ka amar qaata Debretsion Gebremichael oo ah hogaamiyaha TPLF.
Ugu yaraan 17 ruux ayaa lasoo warinayaaa iney ku dhaawacmeen weerarkaan, waxaana inta badan hogaamiyayaasha TPLF ay la safteen hogaamiyahooda, iyagoo kasoo horjeestay maamulka ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo Getachew Reda.