Wednesday, April 30, 2025
HomeAll NewsMaxamed Xuseen Rooble oo Loo Diiday Baasaboorka Diblumaasiga. .

Maxamed Xuseen Rooble oo Loo Diiday Baasaboorka Diblumaasiga. [Dhagayso].

Dowladda Federaalka ayaa Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo waxay u diiday iney Passport Diblumaasiga ah siiso, si ay ugu safraan dalka KOonfur Afrika.

Rooble oo doonayay inuu kulan siyaasadeed ku gaaro dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa is hortaagay Dowladda Federaalka, iyadoo wasaaradda arimaha dibadda Dowladda Federaalka diiday iney siiso baasaboorka diblumaasiga, oo la siiyo siyaasiyiinta iyo madaxadii hore ee Dowladda Federaalka.

Arintan ayaa timid kadib markii dhawaan Muxamad Xuseen Rooble uu kulan kula yeeshey magaalada Muqdisho ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo James Swan, iyagoo ka wada hadlay sidii Muqdisho looga qaban lahaa doorasho ay isla ogolyihiin siyaasiyiinta Soomaalida, kulankan ayaana waxa aad uga carooday Dowladda Federaalka.

Inkastoo khabarka la xiriira in Rooble loo diiday baasaboorka uu rabay ay tahya mid cad, hadana Dowladda Federaalka ayaa beenisay arinkaas, waxaana wasiirka arimaha dibadda Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi uu sheegay ineysan waxba kajirin warka la xiriira in la is hortaagay Rooble ama caqabado la hordhigay.

Halkan kala deg Faafaahinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.