Maalintii shalay diyaarad Drone ah oo ay leedahay Sahaayinada ayaa duqeyn ka fulisay, mandiqadda Janta ee katirsan gobolka Baclabak ee dhaca Bariga Lubnaan.
Duqeyntan wuxuu maamulka gumeystaha Yahuudda ku dilay 2 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxayna si ulakac ah ubeegsadeen goobta ay ku sugnaayeen dadkan oo udhashay wadanka Lubnaan.
Dhanka kale, waxaa magaalooyin kamid ah Koonfurta Lubnaan wali dulheehaabaya diyaarado ay leedahay Sahaayinada, halka ciidankood ay wali ku sugan yihiin Koonfurta Dalkaasi.
Yahuuddu Yoolaalka ay dagaalka Lubnaan ka lahayd waxaa kamid ahaa, iney hesho dhul hor leh oo katirsan Lubnaan oo ay gumeysato.