Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsRuushku Maku Dhacay Dabin Maraykan Marka Laga Hadlayo Dagaalka Ukraine?

Ruushku Maku Dhacay Dabin Maraykan Marka Laga Hadlayo Dagaalka Ukraine?

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ku qoray bartiisa gaarka ah “Saddex sano oo iska caabin ah, iyo saddex sano oo adkaysi ah oo ay muujiyeen dadka reer Ukraine, waxaan u mahad celinaynaa dhammaan kuwii ka qayb qaatay difaaca dalkeena Ukraine.”

Tani waxay ku soo beegantay xilli ay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub gaareen Kiev subaxnimadii Isniinta ee 24 bishan Febraayo, si ay u xaqiijiyaan taageeradooda Ukraine, Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa qoraal ay kusoo qortay baraha bulshada ku tiri: “Waxaan maanta joognaa Kiev, sababtoo ah Ukraine waa dal ka tirsan Yurub halganka badbaadada ee ka socdana, maaha mid masiirka Ukraine oo kaliya lagu ilaalinayo, laakiin waa mid masiirka Yurub oo dhan khuseeya.”

Dadaalada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro Is-waafajin dhammaystiran oo u dhaysa Ukraine iyo dalalka Midowga Yurub, ayaa xaqiijinaysa sii wadida ka hortagga hamiga Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kaas oo doonaya inuu qabsado dhul hor leh oo ka tirsan midowga Yurub.

Hase ahaatee arrintu kuma eka oo kaliya in Putin uu imaado miiska wadahadalka, balse waxay ahayd sida ay sheegayaan khubarada u dhuun daloola arintan in farriimo cadcad loo diro xulafada Maraykanka, Laakiin su’aasha taagan ayaa ah, Donald Trump ma waxa uu doonayaa in uu Putin gacantiisa ku saxiixo goobta dagaalka, mise waxa uu dabin laba jibaaran u dhigayaa xulafadiisa iyo weliba cadowgooda oo ah Ruushka?

Hawlgalka gaarka ah ee ciidamada Ruushka ayaa galaya sanadkii Afraad, kaddib markii madaxweynaha Ruushka uu amar ku bixiyay in ciidamadiisu ay gudaha u galaan dalka Ukraine 24-kii February 2022-kii, si ay u sugaan ammaanka qaranka Ruushka, isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka cabsi qabo in Ukraine ay xubin ka noqoto NATO, taas oo si toos ah gantaalada NATO u dhigi doonta xadka Ukraine ay la wadaagto Ruushka.

Ilo militari oo ku dhow aqalka Kremlin-ka ayaa wakhtiga uu dagaalku bilaabanayay tilmaamay in howlgalka millatari uusan qaadan doonin wax ka badan dhowr maalmood, si loo dhammeeyo howsha loo igmaday, taasoo la xiriirta in qaar ka mid ah gobollada Ukraine lagu daro dhulka Ruushka.

Laakiin maamulkii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa lahaa aragti ka duwan aragtidii xukuumadii isaga ka horaysay, maadaama uu hadafkiisa juquraafi ee dagaalka uu cadaa, sidaas darteedna ma aysan ka waaban in ay furaan gurmadka militari midka sirdoon iyo taageerada saadka ee Kiev, si ay u hor istaagaan weerarka Ruushka.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.