Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsWasiirkii Gaashandhiga Dowladda Federaalka oo Laga Dhigay Wasiirka Gaadiidka.

Wasiirkii Gaashandhiga Dowladda Federaalka oo Laga Dhigay Wasiirka Gaadiidka.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa sameeyay isku shaandheyn la xiriirta golaha Wasiirada, iyadoo wasiiro muhiim u ahaa Dowladda Federaalka ay kasoo muuqdeen wasaarado shibil ah.

Cabdil Qaadir Maxamed Nuur oo ahaa Wasiirkii Gaashandhiga Dowladda Federaalka ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo loo dhiibay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, tan ayaa timid kadib markii uu ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashandhiga Dowladda Federaalka waxaa loo dhiibay Jibriil Cabdi Rashiid Xaaji Cabdi, oo horey u ahaa wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka.

Isku shaandheyntan ayaa timid kadib markii uu isbedel  kuyimid dagaalka ka socda Soomaaliya, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana la wareegay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Shabeellooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.