Iyadoo Dowladda Fedaraalka ay badi ciidankeeda horay ugu dhamaadeen furimaha dagaalka, haatanna ay weysay wax badiil u ah ayaa waxa ay hadda billawday in ciidankeeda uqaabilsanaaa xabsiyada ay usoo dirto furimaha dagaalka ee Sh-dhexe.
Mahad Cabdi-Raxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub ahna taliyaha ciidamada Ilaada Xabsiyada, oo hadal ujeedinayay ciidankaas loosoo wado furimaha dagaalka, ayaa waxa uu muujiyay in ciidankaasi ay yihiin kuwa aan dagaal loogu tala galin oo aan laheyn khibrad dagaaal.
Waxa uu ku wargaliyay iney kalsooni ku dagaallamaan oo aysan furimaha ka cararin, haddii ay ka firxadaanna aysan jirin meel ay aadaan.
Dad badan ayaa waxa ay tani ku sifeeyeen iney ka tarjumeyso ciidan la’aanta heysata Dowladda Fedaraalka, iyo saameynta ay ku reebtay furimaha badan ee lagu furay.