Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka ay Xabashidu ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Kordhiyay Afduubka Dadka Rayidka ah.

Maamulka ay Xabashidu ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Kordhiyay Afduubka Dadka Rayidka ah.

Maamulka ay Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed ayaa wada afduub iyo xarig ka dhan ah shacabka ku dhaqan halkaasi, halka wasaaradda waxbarashada itoobiyana ay ardayda jamaacadda Jigjiga udiiday natijiijada imtixaan ay shahaado ku qaadanayeen.

Maamulka uu madaxda ka yahay Musftafe Cagjar ee ay Itoobiya ka dhisatay dhulka ay gumeysato ee Soomaali-Gabeed, wada afduub iyo xarig ka dhan ah dadka shacab ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dadka ay xireen waxaa kamid ah nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Maxamad Nuur, kaasoo aan muddo todobaadyo ah la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay, islmarkaana la aaminsan yahay inuu ku jiro xabis qarsoodi ah.

Dhanka kale ardayda wax ka barta aamcadda Jigjig ayaa mar kale lagu celinayaa imtixaan ay dhowr jeer horay ugaleen, kaasoo ay ku qaadanayaan shahaadada jaamacadda, sababo la xiriira wasaaradda waxbarashada Itoobiya oo dooneysa iney ku riddo imtixaanka.

Halkaan ka Degso Warka Soomaali-galbeed

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.