Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qaraxyo la beegsadeen, kolonyo katirsan askarta Kenya oo ku socdaalayay qeybo kamid ah dhulkaas.
Qaraxyada ayaa lala beegsaday kolonyadaan oo kasoo baxay deegaanka Cumar Jilicow kuna sii jeeday magaalada Mandheera oo ka wada tirsan gobalka Mandheera ee ay gumeysato Kenya.
Khasaare isugu jira naf iyo maal ayaa ciidanka Kenya lagu gaarsiiyay, weerarada qaraxyada ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen kolonyada.
Mid kamid ah qaraxyada ayaa haleelay gaari Kooyal ah oo kamid ahaa kolonyada kaas oo gabi ahaanba basbeelay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneed gaarigaas, halka ay waxyeello soo gaartay gaari kale oo Mutabiish ah
Intaasi kadib waxaa goobta kusoo degtay diyaarad Helicopter ah oo daabushay meydadka iyo dhaawacyada askarta Kenya ee qaraxyada lala beegsaday.