Magaalada Jigjiga oo ah tan ugu wayn dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya ayaa qarka usaaran in dhamaan shaqooyinkeeda iyo deegaan ahaanba ay la wareegaan dad ka socda qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, kadib markii uu sii kor dhay qulqulka dadka Itoobiyaanka ah ee soo gaaraya magaaladaasi, islamarkaana shaqooyinkii oo dhan la wareegay.
Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool waxa ay waayeen meel ay ka shaqeeyaan, taasi oo sababtay in xaalad dhaqaale xumi oo haysta Soomaalida halkaasi ka abuuranto.