Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka ayaa duqeyn wuxuushnimo a ka geystay qeybo kamid ah gobolka Shhabeellahha Hoose, halkaas oo ay ku beegsadeen dad shacab ah oo ahaa kalluumeysato ka jillaabta xeebaha Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa ka dhacday xeebaha deegaanka Bulaaley oo hoostaga Maryan Gubaay oo u dhexeysa magaalooyinka Baraawe iyo Buulomareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana diyaaradaha Maraykanka ay beegsadeen doonyo ay saarnaayeen kalluumeysato Soomaaliyeed.
Inta haanta la xaqiijiyay duqeymaha Maraykanka fuliyay ayaa waxaa lagu dilay 8 ruux oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale, waxaana weli jira dad aan nolol iyo geeri midna lagu heynin, kuwaasoo loo badinayo iney ku dhinteen gudaha badda.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeymo cadowtooyo ka fuliya gudaha Soomaaliya, iyagoo si ula kac ah u beegsada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, arinta la yaabka lehna waxay tahay in markasta oo uu laayo dad maati ah uu ku tilmaamo iney ahaayeen xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.