Tibor Nagy oo ahaa Kaaliyihii hore ee Xoghaya Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka ayaa waxa uu cambaareeyay, hadal kasoo yeeray Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka.
Masuulkaan hore ee Ameerikaanka ah ayaa Fiqi ku sifeeyay in uu yahay nin aan waxba gacanta ugu jirin saasoo ay tahayna qaniinaya gacantii ‘badbaadinaysay’ waddankiisa.
“Wasiirka Dibedda ee Fiqi waxba ma qaban karo laakiin wuxu qaniinayaa gacantii ilaalinaysay isla markaana wuxu dhaleecaynayaa madaxda Hawlgalka AUSSOM oo ah xoogagga ku ilaaliya Muqdisho.” ayuu yiri Nagy.