Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Gaari...

In ka Badan 40 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Gaari Kula Rogmaday Hiiraan.

Ciidamada Katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa gaari BG oo ay askari ka buuxday dad shacab ah ku jiirsiiyay degaan katirsan gobolka Hiiraan.

Gaari jiirsiintan ayaa ka dhacday degaanka lagu magacaabo Cali ganeey, waxayna halkaasi ku dileen 2 ruux oo shacab ah 3 kalena way ku dhaawaceen, kadib markii ay askariga wadaha ka ahaa gaariga oo degaanka galay isagoo xawaare sare ku socda.

2 wiil oo dhextaagnaa degaanka ayuu taayarka dusha ka mariyay wayna dhinteen, wuxuuna dhaawacay 3 kale, halka uu sido kale burburiyay goobo ganacsi.

Dhanka kale markii ay falkaasi ku kaceen ciidank Dowladda Fedaraalka, waxaa iyana la rogmaday gaarigii, halkaasi ayaana waxaa uga dhintay 3 askari, 40 kalena waa ay dhaawacmeen, kuwasoo qaarkood dhaawacyadoodu culus yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.