Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Sanyare oo Sheegay in Dowladda Fedaraalka Lagu Jabiyay Aadan Yabaal.

Xildhibaan Sanyare oo Sheegay in Dowladda Fedaraalka Lagu Jabiyay Aadan Yabaal.

Cabdiladiif Sanyare oo kamid ah Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka, ayaa isagoo ka wajaabayay dafiraaddii Amniga ee Dowladda Fedaraalka Cabdullaahi Fartaag uu ku beeniyay jabkii ku gaaray Aadan Yabaal waxa uu sheegay, in wax xeelad dagaal ah aysan Dowladda Fedaraalka uga soo bixin halkaas.

Waxa uu xusay in qolo dowlad sheeganeyso aysan marnaba xeelad dagaal meel uga bixi karin, wasiirkana uu doonayo inuu ku ciyaaro caqliga dadka, Aadan Yabaalna looga adkaaday ciidankooda.

Mar uu soo hadal qaaday jabkii xoogganaa ee ciidamada ku gaaray dagaalkii Cawsweyne ayuu Sanyare sheegay in Dowladda Fedaraalka looga baahnaa iney jawaab sax ah ka bixiso arrintaas balse aysan dhicin, dowladda uu hogaaamiyo Xasan Sheekhna ay tahay mid aan laheyn wax isla xisaabtan ah.

Dowladda Fedaraalka ayaa dadaal ballaaran ku bixineysa qarinta xaqiiqooyinka dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana dadaallo badan oo ay arrintaasi ku bixisay ay noqdeen kuwa ay ku hungowday kadib markii fashilka ka heysta xagga dagaalka ay qireen masuuliyiin iyo siyaasiyiin iyada taabacsan.

Halkaan ka Degso Warka Xildhibaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.