Thursday, April 24, 2025
HomeWarka GudahaDEG DEG: ku Dhawaad 10 Asakri oo Katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku...

DEG DEG: ku Dhawaad 10 Asakri oo Katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Duleedka Wargaadhi.

Qarax aad uxooggan ayaa goor dhow ka dhacay duleedka degaanka Wargaadhi ee gobolka Sh/Dhexe, kaasoo lala eegtay gaari Cabdi-Bile ah oo ay saarnaayeen ciidanka Dowladda Fedaraalka.

Khasaare isugu jira dhimash iyo dhaawac ayaa qaraxan kasoo gaaray askarta Dowladda Fedaraalka, waxaana sido kale goobta ku burburay gaarigii Cabdi-Bilaha ahaa.

Tirada askarta ee qaraxa ku dhimatay inta la xaqiijiyay waa 7 askari, halk ay dhaawacmeen 3 kale.

Weerarkan qarax ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay dagaal xooggan ay Maillateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen degaanka Wargaadhi. halkaasoo in ka badan 30 asakari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.