Friday, April 25, 2025
HomeAll NewsHalkee ayay ku socotaa Azmada iyaasadeed ee ka Taagan Gobolka Xadaramowt ee...

Halkee ayay ku socotaa Azmada iyaasadeed ee ka Taagan Gobolka Xadaramowt ee dalka Yemen?

Gobalka Xadramowt   ee dalka Yemen ayaa noqday goob ay ku loolamayaan awoodo badan oo kuwada sugan gobalkaas, waana bar kulan muhiim u ah dheelitirka awoodeed ee mustaqbalka Yemen. Ahdaafta ay kala tiigasnayaan dhinacyada isku haya goabalkan ayaa ah kuwo aan marnaba ku heshiin Karin hal maamul, iyadoo ay jirto loolan adag oo mid walba uu kan kale ka xigsanayo saameynta dhaqaale ee uu gobalkan ku leeyahay guud ahaan dalka.

Xadramowt  ayaa muhiimad istaraatiijiyadeed oo ka dhigan boqolkiiba 36 ugu fadhida guud ahaan dalka Yemen, waxaana ku yaalla dekedaha ugu waaweyn sida Mukallah iyo Ashaxri, marka lagu daro dekedda shidaalka ee Al-Dibah, taas oo dhoofisa qiyaasta bolkiiba 80 shiidaalka lagasoo saaro dalkaas, waxayna leedahay kaydka ugu balaaran ee shiidaalka lagu kaydiyo, taas oo ka dhigaysa albaab dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dhinac kasta uu u hanqal taagayo inuu maamulo.

Gobolkan ayaana mudooyinkii dambe laga dareemayay xiisado siyaasadeed oo cirka isku sii shareeraya, iyadoo ay jiraan dagaallo Saddex geesood ah oo u dhaxeeya dowladda Yemen oo dhinac ah, isbahaysiga ku meel gaarka ah ee Koonfurta oo doonaya gooni-ugoosad iyo qabaa’ilka daga Xadramowt  oo dhinac ah, kuwaas oo dalbanaya inay samaystaan is-maamul ugaar ah, isla markaana ay taageerayaan ciidamada qabaa’ilka iyo kooxaha hubeysan ee deegaanka.

Arrintan ayaa soo taagnayd tan iyo sanadkii 2013-kii markii la aasaasay Isbahaysiga qabaa’ilka Xadramowt, kuwaas oo u dhisan qaab-qabiil oo dirir adag ugu jira sidii ay saami dhaqaale uga heli lahaayeen illaha muhiimka ah ee ku yaalla gobalkaas.

Bartamaha bishan Abriil, xiisadahan sii xoogaysanaya ayaa soo shaac baxay, kaddib markii ay isbahaysigu soo abaabuleen isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacay degaannada ay saamaynta ku leeyihiin ee qaybta bari ee maamulkaas, kuwaas oo muujinayay gooni u goosad, dhaqdhaqaaqan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca gobalka.

Iyadoo ay arrintani cirka isku sii shareertay ayaa wariye lagu magacaabo Cimaadu Diin oo ah – tafatiraha guud ee wargeyska Xadramowt  – waxa uu ku tilmaamay xaaladda hadda ka jirta maamulka gobolka, inay tahay calaamad digniin ah, taas oo muujinaysa masiibo kusoo fool leh gobalkaas, waxa uuna sheegay in khilaafku uu galay marxalad aan horay loo arag, isla markaana ay xaaladdu gaari karto meel halis ah, iyadoo mas’uuliyadda wixii dhaca ay qaadi doonaan maamulka gobalkaas ee dawladda ugu magacaaban.

Halkaan ka Degso Warbixinta Yeman

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.