Tuesday, July 1, 2025
HomeUncategorizedRa’iisul Wasaarihii Hore ee Dalka Chad oo Xabsiga la Dhigay.

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dalka Chad oo Xabsiga la Dhigay.

Ciidamada ammaanka ee dawladda Tashaad ayaa xabsiga dhigay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, kaas oo kamid ahaa shakhsiyaadka ugu mucaaradsan dawladda haatan talada dalkaas haysa, mas’uulkan hore ayaa la xiray shalay jimcihii, iyada oo ciidamada booliisku ay kasoo qabteen gurigiisa.

Dawladda Tashaad ayaana soo saarin wax  caddayn ah oo ku saabsan xariga mas’uulkan, kaas oo horay ugu fashilmay kursiga madaxtinimada ee dalkaas, isaga oo dorashooyinkii dalkaas ka dhacay sanadkii hore ku tilmaamay mid musuqmaasuq ah oo xilka madatinimada ee dalkaas uu kula wareegay madaxwaynaha haatan haya talada Tashaad, ninka lagu magacaabo  Maxamed Idriss Deybi.

Rabshadaha ka dhashay doorashadii la qabtay sanadkii hore ayaa dhalisay dhimashada illaa 35 qof, kuwaas oo ahaa dad rayid ah, qalalaasahan ay dadku ku dhinteen ayaana si gaara uga dhacday gobolka Liiquun ee koonfurta dalka Tashaad.

Qoraal lagu baahiyay barta rasmiga ah ee ay Faysbuuga uu ku leeyahay xisbiga Rai’usul wasaarahahii hore ee la xiray ayaa lagu sheeciyay, in hogaamiyahooda si khasab ah gurigiisa looga xiray, kaas oo la geeyay xarunta dhexe booliiska dalkaas.

Waxa ay ku sheegaan xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Tashaad ninka lagu magacaabo  Cumar Maxamed ayaa war uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska, ku xaqiijiyey in xarigga hogaamiyahan oo ay xireen booliiska garsoorka uu yimi, kaddib markii lagusoo oogay damibiyo kala duwan, masuukan ayaana sheegay inuu qaban doono shir-jaraa’id oo looga hadli doono arrintan.

Rabshadaha kasoo cusboonaday dalka Tashaad ayaa imaanaya kaddib markii la dilay madaxwayihii hore ee dalkaas, taas oo ugu dambayntii keentay in sanadkii ina dhaafay ee 2024-ka la qabto doorasho muran badan dhalisay oo ugu damabayntii uu madaxwayne ku noqday Maxamed Idriss Deybi oo ah nin uu dhalay madaxwaynihii la dilay Idriss Deybi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.