Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar kula wareegay, talis ay lahaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Weerarka ayaa lagula wareegay taliskii ay askarta Dowladda Fedaraalka ku nawaaxiga deegaanka Mooro-eri ee duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay, weerarka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen taliska ku yaalla duleedka Moqokori.
Ugu yaraan 8 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay weerarkaan oo midkood meydkiisa looga cararay goobta dagaalka, halka dhaawacuna uu marayo 12 kale..
Waxaa suuragal ah in khasaaraha nafeed uu intaasi ka bato, maadaama kani uu yahay mid horudhac ah.