Monday, June 9, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 30 Askari ku Dishay Dalalka...

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo in ka Badan 30 Askari ku Dishay Dalalka Burkiina-Faso, Maali & Baniin.

Wararka ka imaanaya wadamada galbeedka Afrika ee ay ka hawlgalaan ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nuratul Islaam Wal-Musliin ayaa kusoo waramaya, in hawlgallo ay mujaahidiintu fuliyeen lagu beegsaday qaar kamida ciidamadad dalalkaas, weeraradan oo ka kala dhacay dalalka Burkiina-Faaso, Maali iyo Beniin ayaa khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada wadamadaas, iyadoo gacanta mujaahidiinta uu soo galay hub iyo saanad ciidan oo aad u badan.

Magaalada Arbinda ee gobolka Suum ee dhacda waqooyiga dalka Burkiina-Faaso ayaa martigalisay dagaallo saf balaaran ah oo lagu laayay ciidamo ka tirsan askarta dalkaas, ciidamada mujaahidiinta ayaana weerar ku qaaday bar ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad taabacsan dowladda, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan Toban xubnood. Jihaadiyiinta ayaana gacanta ku dhigay lix qori oo nooca Ak-47-ka ah iyo hub isugu jira rasaas iyo qalab kale oo ciidan.

Labo maalin kaddib ciidamada mujaahidiinta ayaa hadana weerar kale la beegsaday deegaanka Kiba ee gobolka Bessem ee isla dalka Burkiina-Faaso. Ciidamo ka tirsan milatariga Burkiina-Faaso oo ku sugnaa saldhigyada la weeraray ayaa la kulmay weerarro lama filaan ah, waxaana halkaas lagu dilay Afar askari, iyada oo ay itaas dheer tahay in ciidamada mujaahidiintu ay xarunta la weeraray kala wareegeen laba gaari oo nooca dagaalka ah iyo labo qori oo AK-47 ah iyo agab kale oo ciidan.

Isla dalka Burkiina-Faaso gaar ahaan deegaanka Mantu ee ka tirsan gobolka Fandargooma, ayay sidoo kale ciidamada mujaahidiinta ee Jamacaada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin waxay weerar xooggan ku ekeeyeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen boqolaal askari, waxaana halkaas lagu dilay tobanaan askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimeen ayaa sheegtay mas’uuliyadda laba weerar oo kale oo ka dhacay dalalka jaarka la ah Burkiina-Faaso, kuwaas oo kala ah wadamada Maali iyo Beniin.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay, magaalada Maw ee gobolka Sikaaso ee koonfurta Maali. Waxayna goobtaas mujaahidintu kaga talaabsadeen Shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Maali, iyaga oo la wareegay saddex gaari oo nooca dagaalka ah, hub ay ka mid yihiin, Saddex qori oo Dhishiike ah, laba qori oo AK-47 ah, hal qori oo RPG ah iyo qalab kale oo ciidan. Waxayna sidoo kale ciidamada mujaahidintu saldhiga ay weerareen ku gubeen lix gaari oo ay ku qalabaynaayeen ciidamada Maali.

Weerarka xigay ayaa ka dhacay, deegaanka Tangu’eta ee dalka Beniin, meel aan ka fogeyn xad beenaadka uu dalkaasi la wadaago dalka ay jaarka yihiin ee Burkiina-Faaso. Jihaadiyiinta ayaana halkaas ku dilay Afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Beniin.

Guud ahaan, weerarradan ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen wadamada Burkiina-Faaso, Maali iyo Baniin ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 34 askari oo ay kamid yihiin maleeshiyaad gacan saar la leh ciidamada Burkiina-Faaso, waxaana sidoo kale dagaaladaas lagu furtay Shan gaari halka lagu gubay Lix kale, waxaa intaas dheer in tobaneeyo qori iyo agab milatari oo ay ku jiraan qalabyada is gaarsiinta ee ciidamada ay jihaadiyiintu gacan ku dhigeen intii ay wadeen weeraradan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.