Kumanaan muda-haraadayaal ah ayaa maalmo xiriir ah dibad-baxyo ka digaya magaalada Loos-Anjalis ee gobolka Kalafoorniya ee waddanka Maraykanka, iyagoo xiray waddoyinka waaweyn ee magaaladaas, waxayna gubeen gaadiid badan oo halkaasi marayay.
Dibad-baxyadaan ayaa ka socda magaaladaas maalintii saddexaad, waxaana la sheegay, inay kasoo horjeedaan siyaasadaha madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam ee ay kamid yihiin tarxiilidda dadka soogalootiga ah ee ku dhaqan magaalada Loos-Anjalis.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa Axaddii sheegay, inuu magaalada Loos-Anjalis u dirayo waxa uu ugu yeeray ciidamada ilaalada waddanka, si ay uga hortagaan rabshadahaas, waxaana magaalada gaaray cutubyo ka tirsan ciidamadaas, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Taraam ayaa sheegay, in ciidamada Ilaalada waddan ee uu u diray Loos-Anjalis ay dhaqan gelin doonaan kala dambeyn aad u xooggan, balse xiisadii ka tagnayd magaalada Loos-Anjalis ayaa Axaddii ka sii dartay, iyadoo kumanaan muda-haraadayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay uga jawaabaan ciidamadan Taraam usoo diray magaaladooda.
Waxayna dibad-baxayaasha qaarkood dhulka ku jiidayeen calanka dowladda Mareykanka, sida laga dheehan karo muuqaallo halkaasi laga soo duubay laguna faafiyay mareegaha Intarneetka, iyadoo Ciidamada Mareykanka ee ka hawgalo magaalada Loos-Anjalis ay hareeraha wadooyinka ku katiinadeeyeen qaar kamida dadkaas, waxayna sidoo kale dibad-yaasha u adeegsanayeen sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta dheemishka ah, iyo bam-gacmeedyada dhawaqa ah si ay u xakameeyaan dadka dibad-baxayaasha ah, jawiga goobtana wuxuu ahaa sida tan.
Dadaalladaas ay sameeyeen ciidamada maxalliga ah ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, waxbana kama badalin dibad-baxayaasha waawayn ee dhowrka maalin ka socda magaalada Loos-Anjalis, kuwaas oo kasoo horjeeda in dad soo galootiga ah laga tarxiilo magaalasaasi, iyadoo ciidamadii uu Taraam u diray magaalada si ay u xasiliyaana ay ka badnaan waayeen ilaalinta xarumaha dowladda oo ay ku jirto xarun lagu hayo dad soo galootiga ah, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay lagu xiray halkaas.