Dagaallo culus oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa shalay iyo maanta ka dhacay, deegaanka Aboorreey ee dhaca duleedka magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiraan Nabadoon Cali Cismaan Abu Caa’ isha ayaan ka wareysanay dagaalladii ka dhacay deegaanka Aboorreey ee lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana wareysigaan la yeeshay Sakariye Cumar.