Ciidamada Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa Jir dil xooggan ugeystay gabar wariye ah oo ka ka howgasha warbaahin ku taalla Muqdisho.
Ciidankan oo katirsan kuwa loogu yeero NISA ayaa gabadhan jir dil aa uweyn kula kacay, xilli ay dad banaanbaxayaal ah codad ka duubeysay iyo iyo wiil kale oo iyada ay isku shaqo ahaayeen.
Gabadhan ayaa ka sheekeysay dhibaatadii ay ugeysteen ciidanka sirdoonka Dowladda Fedaraalka, iyadoo sheegtay iney ul weyn ku garaaceen, taasoo nabarro waaweyn gaarsiisay.
Iyadoo sii hadleysa ayey intaasi ku dartay in mar waliba sidan ay ku jir dilaan wariyaasha ciidanka sirdoonka Dowladda Fedaraalka.