Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta fuliyeen weeraro isugu jira dagaal toos ah iyo qarax lala beegsaday askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan gobalka Baay.
Haddaan ku horeyno Baay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta qarax la beegsadeen, asakr katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo oo ah xarunta gobalkaas.
Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya, halka lagu dhaawacay 3 kale.
Geesta kale dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuw Dowladda Fedaraalka ku dhexmaray gobalka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, waxaana lagu dhaawacay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalkaan kusoo furteen qori RPG-ah iyo rasaas.