Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsCiidamada Faransiiska oo Lagu Wado Iney Ka Guuraan Dalka Sinigal.

Ciidamada Faransiiska oo Lagu Wado Iney Ka Guuraan Dalka Sinigal.

Xukuumadda magaalada Paris oo in muddo ah gumeysi ku haysay dad badan iyo dowlado Afrikaan ah, ayaa markan waxay la kulmeysaa diidmo xooggan oo uga imaaneysa dadkii ay mudada dheer ku amar ku taagleyneysay, waxaana marba marka ka dambeysa laga soo diidayaa wadamo dhaca Galbeedka Afrika.

Dowladda Sinigaal ayaa markan dooneysa iney si lamid ah kuwii iyada ka horreeyay iska saarto askarta Faransiiska ee dalkaasi ku sugan, waxayna xilligan labada dowladood ku howlan yihiin sidii ay ciidamadaasi Sinigaal uga bixi lahaayeen.

Xukuumadda Faransiiska iyo tan Sinigaal ayaa go’aan ku gaaray iney dhisaan gudi isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii ciidankaasi uga bixi lahaayeen dalkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeyn xilli ay horay dowladani udalbatay iney wadankeeda ka baxaan ciidanka Faransiiska, waxayna sido kale kusoo beegmeysaa, xilli Faransiisku ciidankiisa dhawaan kala baxayo saldhig ay ku leeyihiin Wadanka Ivory Coast.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.