Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, fariisin ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka.
Weerarka oo dhacay habeenkii xalay ayaa si gaar ah loola beegsaday xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Geesta kale weerar qarax ah ayaa lala beegsaday kolonyo katirsan ciidanka Kenya, kuwaas oo kasoo baxay xerada Buurta Koomoole kuna sii jeeday magaalada Kiyuunga ee gobalka Lamu.
Gaari Kooyal ah ayuu haleelay qaraxa, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneed gaariga la qarxiyay.
Intaasi kadib waxaa goobta soo caga dhigtay 2 diyaarad oo Helicopter ah, kuwaas oo daabulay meydadka iyo dhaawacyada ciidanka Kenya.