Dadka ku dhaqan xaafado katirsan degmada Kaxda ayaa dhibaatooyin adag ku qaba amni darro baahsan oo ay sababeen tuugada loo yaqaan Ciyaal-Weerada.
Habeenadii lasoo dhaafay waxaa xaafado katirsan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho dib uga soo cusboonaday, tuugada loo yaqaan Ciyaal-Weerada oo dhibaatooyin adag ku haya bulshada.
Kooxahaan oo mindiyo ku hubeysan ayaa dhac iyo mashaakil kale ka wada xaafadaha degmaada sida uu ku waramay mid kamid ah dadka ku dhaqan halkaasi.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Dowladda Fedaraalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyay, in Ciyaal-Weerada ay dib uga soo cusboonaadeen magaalada, sababtooda ugu weynna ay tahay daroogada oo ay iyagu fasaxeen, iyagoo dhibaataadeeda ogna ay qaarkeed canshuur ka qaadato xubno iyada katirsanna ayba isticmaalaan daroogada.