Friday, April 25, 2025
HomeAll NewsXasan Ciraaqi oo ka Firxaday Raaskambooni oo Lagu Arkay Sh-dhexe.

Xasan Ciraaqi oo ka Firxaday Raaskambooni oo Lagu Arkay Sh-dhexe.[DHAGEYSO]

Xasan Ciraaqi oo ah Taliyaha Guutada 18-aad ee ciidanka loogu yeero Gorgor, ayaa lagu waayay dagaalkii dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubada Hoose, waxayna ciidamadii Dowladda Fedaraalka ee uu hogaaminayay ubaxsadeen dhanka wadanka Kenya, iyagoo dowladda dalkaasi isku dhiibay.

Xasan Ciraaqi oo xilligaasi wixii ka dambeeyay aad loo baadi goobayay halka uu jaan iyo cirib dhigay, askartii uu hogaaminayayna lagu ogaa gacanta kenya, ayaa si lama filaan ah muddo kadib uga soo muuqday warbaahinta, isagoo ku sugan degaanka Cadaan-Laxeey ee gobolka Sh/Dhexe.

Xasan ayaa kala hadlay hogaanka Dowladda Fedaraalka, iney dallacsiiyaan ciidanka uu ku sugan degaankaasi, iyadoo aan illaa iyo haatan war laga heyn halka uu uga soo tegay, askartii iyo saraakiishii ay mas’uulka uga dhigtay Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Xasan Ciraaqi

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.