Maalintii shalay waxaa Mar kale gobolka KaliForniya gaar ahaan magaalada Los Angeles iyo dhanka Koonfureed ee gobolka Ka kacay, daba ka dhex billowday duufaan halkaasi ka dhacaysa oo aad u xooggan.
Galabnimadii shalay ayuu billowday dabkan, wuxuuna ku faafaay dhul dhan 30 Hegtar, iyadoo ay sii hurinayaan dabeylaha halkaasi ka socda.
Culeys dhaqaale oo hor leh ayaa mar kale kusoo kordhay dowladda Mareykanka, Iyadoo uu dabkii hore wali uu holacayo islamarkaana la daalaa dhaceysa ayaana waxa ugu darsoomay mid kale.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadeeyay Markii xilka lagu wareejiyay kadib xilli uu khudbeynayay, in dhaqaalihii Mareykanka la geeyay dibadda, taasina ay keentay iney awoodi waayaan, daminta dabka ka holcaya Los Angeles, oo waliba ay ukaashadeen dowlado ay kamid tahay Canada.