Qaar kamid ah shacabka ku nool Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul ugu jawaabay Xasan Sheekh oo dhawaan hadal jees jees ku ah fagaare lasoo istaagay.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa isagoo dhawaan ka hadlyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo uu goob joog ka ahaa wuxuu ka sheegay, hadal jees jees ah oo uu uga jawaabayo qeylo dhaanta kasoo gaartay dhanka shacabka ku nool Muqdisho ee uu dhibaatada joogtada ah ku hayo.
Hadalkan ayaa waxaa si caro leh kaga hadlay qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo wax laga weydiiyay, waxayna dhamaantood isku waafaqeen inuu hadal gef ku ah yahay, iyagoo dhanka kale si kulul ugu jawaabay, soona hadal qaaday musuq maasuqa uu dhex dabaalanayo.