Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsDagaallo Culus oo Dhexmaraya Milliteriga Suudaan iyo Malleeshiyaadka RSF.

Dagaallo Culus oo Dhexmaraya Milliteriga Suudaan iyo Malleeshiyaadka RSF.

Iyadoo iska hor imaadyada ugu xooggan ayaa ka dhacaya Waqoyiga Caasimadda wadanka Suudaan ee dhinaca Khartuum Baxri, waxaana halkaasi hubka culus iyo midka fudud isku dhaafsanaya RSF iyo ciidanka Suudaan.

Malleeshiyada Ad-Dacmu As-Sariic ayaa shalay subax dhowr diyaaradood oo ay leeyihiin islamarkaana ah kuwa Drones-ka waxay duqeymo la beegsadeen, xarunta Korontada Danqila eek u taalla Waqooyiga Suudaan.

Ila wareedyo ayaa sheegay in diyaaradaha xarunta Duqeeyay ay ahaayeen illaa 7 diyaaradood, ciidamada Suudan ayaana dhankooda la sheegay iney madaafiic kaga hor tageen diyaaradahan.

Dhowr xarumood oo koronto oo ku yaalla gobollo kala duwan oo katirsan wadankaasi,
ayey maalmihii lasoo dhaafay beegsadeen kooxda RSF.

Dhinaca kale Askarta Suudaan ayaa wada isku dayo ay rabaan iney kula wareegaan Khartuum Baxri, waxayna xogta laga helayo halkaasi sheegeysaa iney malleeshiyada RSF billaabeen iney dib uga gurtaan goobaha qaar oo ay fariisimo ku lahaayeen, halka xogtaasi ay beenineyso malleeshiyadu, islamarkaana sheeganeyso guulo ay ka gaartay dagaalka iyo goobo hor leh oo ay qabsatay.

Geesta kale dagaallo u dhaxeeyay labadan dhinac ee ka dhacy gobolka Daar-Duur ee wadanka Suudaan, waxaa guulo ka sheegtay ciidanka Suudaan, kuwaasoo sheegay iney khasaare culus oo naf iyo maalba leh gaarsiiyeen malleeshiyadan, islamarkaana ka dileen 8 hogaamiye, dhowr dagaallamaal oo katirsan gacanta ku dhigeen.

Sido kale waxay intaasi ku dareen, iney la wareegeen 95 gaari intii ay dagaalladu socdeen, dhanka kalena burburiyeen 65 kale sida ay hadalka udhigeen.

Malleeshiyada RSF kama aysan hadal sheegashadan sida ay wararku nagu soo gaarayaan, mana la hayo ilo ka madax banaan oo xaqiijinay sheegashada askarta xukuumadda Suudaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.