Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Lagu Weeraray Gobollada Ma'rib iyo Taciz ee Dalka Yemen.

Xuuthiyiinta oo Lagu Weeraray Gobollada Ma’rib iyo Taciz ee Dalka Yemen.

Maalintii shalay war kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee xukuumadda Yaman ayaa lagu sheegay, in ay weeraro xooggaan furimo dhowr ah kaga qaadeen, malleeshiyada Xuutihiinta ee ku sugan gobolka Ma’rib ee dhaca Waqooyi Bari wadankaasi, iyo gobolka Taciz ee ku taalla Koonfur-Galbeed dalka Yaman.

Weeraradan ay qaadeen ciidanka dowladda Yaman ayey xukuumadda dalkaasi ku tilmaamtay kuwo dhabarka looga jabiyay kooxda Xuuthiyiinta, waxayna sheegtay iney jawaab u yihiin xad gudubyo ay ku sameeyeen malleeshiyadan Shiicda ah ee taageerada ka heleysa iiraan, sida hadalka loo dhigay.

Askarta xukuumadda Yaman ayaan waayahan wax dagaal ah la gelin Xuuthiyiinta, mana cadda waxa haatan sababay iney dib usoo cusboonaadan dagaallada dhexmaraya.

Dowladda Yaman ayaa ah xukuumad taagdaran oo deegaanada ay joogto ku ilaaliyaan ciidamo la isaga keenay wadamo kala duwan, mana lahan awood ay ku wahdo xuuthiyiinta, oo waxaaba laga heystaa caasimaddii wadanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.