Dagaallo culus ayaa deegaanno katirsan gobolka Sool, waxay markale ku dhexmarayaan ciidamo katirsan maamullada Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo, kuwaasoo ku loolamaya gacan ku heynta deegaanno katirssan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Dagaallada ugu culus waxay ka socdaan deegaanno lagu kala magacaabo Buqdharkeen iyo Yiille, oo katirsan gobolka Sool, waxana dhinacyadu ay isku adeeganayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay kusoo waramayaan dad goobjoogayaal ah, waxaa dhinacyada soo kala gaaraya gurmad ciidan, iyadoo mid weliba uu isku dayayo inaan looga gol roonaan dagaalka.