Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha askarta Dowladda Fedaraalka ku gaaray weerarkii cagmarinta ahaa ee ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kabokutukade) oo ah Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Sh-dhexe, ayaa waxa uu shir jiaa’id oo uu qabtay ku faahfaahiyay khasaaraha weerarkii muddo hadda laga joogo 4 maalmood ka dhacay degmada Aadan Yabaal.
Waxa uu sheegay in tirada dhimashada ay gaartay 400 oo askari, isagoo geesta kale ka hadlay halkii ay ubaxsadeen Odawaa Yuusuf Raage oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Xukuumadda Muqdisho.