Kadib labo todobaad oo tagtay waxaa wali gubaneysa magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, iyadoo gobolka Kaliforniyana ay ka taagan tahay cabsida la xiriirta dabkan.
Gubashada dhismayaasha ku yaalla magaalada oo ah mid mar marka xigta kor usii kaceysa ayaa gaartay, tiro kor udhaafeysa 15,000 [shan iyo toban kun] dhisme, halka markii hore ay ahaayeen in kabadan 12,000 [labo iyo toban kun] oo dhisme.
Dhulka uu dabku gubay ayaa sido kale cabirkiisa lagu sheegay in ku dhow 24,000 [ afar iyo laabtan kun] oo Hegtar, waxaana dhul baaxaddiisu aad uweyn tahay.
Wali holaca dabku sidii ayuu uheystaa gobolka Kaliforniya, waxaana damintiisa ku guudarreystay dowlado dhowr ah oo usoo gurmaday Mareykanka.