Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dib isku soo abaabushay ciidan badanna taba baratay, taas badalkeedana uu burbur ku socda nidaamka ciidan ee Dowladda Fedaraalka.
Cabdifataax Xasan Afrax oo ah Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay, in haddii la iska indho tiro waxa dhacaya ay fadeexad keeni doonto, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay maanta xaqiijisay guul weyn.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan habooneyn in la isku tuurtuuro xaaladda uu dalku marayo, isagoo carrabka ku dhuftay in 10,000 oo kamid ah ciidanka Dowladda Fedaraalka ay noqdeen wax la dilay iyo kuwa ciidanka ka baxay.