Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa ka dhacay dil naxdin badan oo loo geystay haweeney kamid ahaa dadka magaalada.
Nin dhalinyaro ah oo isticmaala daroogada nooca aadka usii halista badan ayaa gowracay gabar lagu magacaabo Xaawo Luul Cabdi Ladhiif, iyadoo dilka kahorna uu kufsi u geystay, sida ay ku warameen ehellada.