Maalintii shalay koox hubeysan ayaa gurigiisa hortiisa ku dishay, Maxamad Xamaadi oo ahaa mas’uul katirsan ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.
Dabley hubeysan ayaa shalay galabkii dilay isagoo taagan banaanka hore ee gurigiisa, kaasoo ku yaalla magaalada Mushaqqara oo dhacda Bariga wadanka Lubnaan.
Xukuumadda Lubnaan ayaa xaqiijisay dilka hogaamiyahan katirsanaa ururka Shiiciga ah, waxayna sheegtay in dadkii dilkiisa ka dambeeyay ay ubaxsadeen jiho aan la garaneyn.
Kooxda iqtiyaashay ninkan ayey sido kale sheegtay dowladda Lubnaan, iney wateen labo gaari oo kuwa shacabka ah, kadib markii ay ku hubiyeen rasaasta ayeyna ka baxsadeen goobta.
Hogaamiyaha la dilay ayaa markii hore loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada dilkiisu ka dhacay, hase ahaate halkaasi ayuu wax yar kadib ku dhintay.